
Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan MaxamedCabdullaahi(Cirro), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid xarunta Wakaaladda Madbacadda Qaranka (WMQ). Madaxweynaha waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Maareeyaha Wakaaladda, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Abees), oo uu wahelinayay Maareeye Ku-xigeenka, Mudane Cabdixakiim Muuse Cali.
Maareeyaha iyo Maareeye Ku-xigeenka ayaa Madaxweynaha mid-mid u-soo tusay qaybaha kala duwan ee WMQ, iyaga oo soo bandhigay shaqada ballaadhan ee halkaasi ka socota iyo horumarka muuqda ee laga sameeyay adeegyada madbacadda.
Intaasi kadib, Maareeye Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Abees) ayaa ugu jeediyay Madaxweynaha hadallo mahadnaq iyo bogaadin ah, isaga oo yidhi:
"Madaxweyne, sharaf iyo farxad aan lasoo koobi karayn ayay maamulka iyo shaqaalaha Madbacadda Qaranka u tahay inaad maanta nagu soo booqato. Booqashadaaduna waa dhiirigelin iyo marag cad oo muujinaysa muhiimada hay’addani u leedahay Qaranka JSL."
Intaa ka dib, Maareeyaha ayaa Madaxweynaha ku wareejiyay warbixin dhammaystiran oo ka kooban 145 bog, taas ay diyaariyeen guddi uu maamulka madbacaddu u igmaday in ay WMQ ku sameeyaan qiimayn cilmiyaysan. Sidoo kale, waxa uu maareeyuhu khudbadiisa kula wadaagay madaxwaynaha iyo dadwaynaha kaleba qodobadan hoos ku xusan, qodobadaas oo maamulka usuurto-galay
1. Dhiigjoojin dhaqaale oo madbacadda lagu sameeyay iyo sagaal mishiin oo hore u fadhiyay oo dib loo hawlgeliyay.
2. Shaqaalaha oo markii hore 25% kaliya shaqo tegi jiray, in la hawlgeliyay 95% oo loo qaybiyay laba shifti (gelin hore iyo gelin dambe).
3. Wax-soo-saarka madbacadda oo kordhay 300%, maadaama labada shifti ay shaqeeyaan.
4. Mushahar kordhin iyo bixinta mushaharka waqtigii loogu talagalay labadii bilood ee ugu dambeeyay, iyadoo aan wax taageero dibadeed ah la helin.
5. Balaadhinta awoodda daabacaadda si madbacaddu u daabacdo dhammaan dukumentiyada rasmiga ah ee dawladda iyo casriyaynta dukumentiyada si looga hortago been-abuurka.
6. Dib-u-habaynta qaab-dhismeedka waaxaha madbacadda iyadoo lagu salaynayo xogtii kasoo baxday qiimayntii la sameeyay.
Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa maamulka iyo Shaqaalaha Madbacadda Qaranka ku bogaadiyey hawsha qiimaha leh ee ay u hayaan Qaranka, waxana uu faray in ay sii laban laabaan dedaalka.