Madbacadda Qaranka Oo Xadhiga Ka Jartay Mishiino iyo Dhismayaal Cusub Oo Xukuumaddu Ay U Maalgalisay

 Hargeysa(Geeska)- Wakaaladda Madbacadda Qaranka ayaa ugu danbayntii si rasmi ah xadhiga uga jartay dhisme dabaq ah oo loogu talogalay xafiisyo iyo mishiino kor loogu qaadi doono wax soo saarka WMQ.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa go'aansaday in kor looqaado WMQ awoodeeda si gacanta dawlada ay ugu soo noqdaan dukmat tiro badan oo xaasaasi ah kaas oo haatan ay xukuumadu si kumeelgaadh ah uga sii daabacanaysay shirkado gaar loo leeyay oo badan koodu dalka dibadiisa wax ku soo daabaca, waxaan haatan ka suurtagashay gudaha madbacada qaranka inay soo saarto waxbadan oo dalka dibadiisa daabacaad ahaan ay dawlada Somaliland ugu tagi jirtay.

Mareeyaha WMQ Maxamuud Raage Ibraahim ayaa sanadadii ugu danbeeyay xooga saarayay sidii madbacada Qaranku ay ula waeeegi lahayd adeegyada muhiimka ah ee dawlada kuwaas oo loo baahan yahay in la ilaaliyo sirta ku duugan.