Warbixin Qoraaleed Guud

Halkan waxanu idinku soo gudbinayaa warbixin qoraaleed guud oo laxidhiidha kulan hawleedyadii shaqo ee Wakaalada Madabacada Qaranka JSL uqabsoomay mudooyinka la soo dhaafay anagoo mid kasta ku lifaaqayna  taarikhdiisa iyo nuxurka uu xanbarsanyahay kulan kasta.
 

11/09/2022:

Maareeye ku xigeenka  Wakaaladda Madbacadda Qaranka Mudane Cabdicasiis Jaamac Casoowe ayaa 11/9/2022 waxa uu daahfuray kulanka dibu habaynta anashaxa xeer hoosaadka shaqaale waynaha WMQ .

Daahurka kulankaasina waxana lagu soo bandhigay 9 qodob oo la xidhidha dibu habaynta balaadhan ee lagu sameeyay xeerka anshaxa Shaqaale waynaha WMQ waxana 9-ka qodob shaqaalaha u akhriyay agaasimaha waaxda shaqaalaha ee WMQ Cabdirisaaq Caydiid Muxumed.

Nuxurka guud ee xeerkani ayaa daaran sidii loo dardargalin lahaa shaqo maalmeedka WMQ madaama oo ay wakaaladu meel halbowle ah ugu jirto guud ahaan Qaranka JSL.

 

4/12/2022:

Maareeyaha Wakaalada Madbacada Qaranka JSL Mudane Maxamuud Raage Ibraahim iyo Wasiirka Wasarada Maalgaashiga iyo Warshadaha Marwo Aaamina Cilmi fariid ayaa 4/12/2022 waxay dalka ku soo dhaweyeen Wafti Maalgashadayaal Caalamiya oo ka koobnaa 38masuul oo ka socday Dallada Shirkadaha LOGAN AVENTURA PVT LTD.

Maareeyaha ayaa mudadii ay waftigu ku suganaayeen dalka la qaatay kulamo kala duwan  maadaamo qaar kamida shirkadaha ku bahoobay Dallada Shirkadaha LOGAN AVENTURA PVT LTD ay hore ula shaqeeyeen WMQ iyagoo kala shaqeeyay Mashiinada Casriga ah ee ay Wakaaladu ku samayso daabacadaha muhiimka ah .

 

Kulamada uu mareeyuhu la yeeshay waftiga ayaa kala dhacay 6/12/2022-8/12/2022 waxana kulamadaasi dhankooda qayb ka ahaa masuuliyiin katirsan xukumada JSL.


 

1/2/2023:

Waxa Qabsoomay Kulan Qorshe-Sanadeedka 2023 Ee Wakaalada Madbacada Qaranka JSL.

Kulankani oo uu shir-gudoominayay Maareye Kuxigeenka WMQ Mudane Cabdicasiis Jaamac Cali isla markaasina ay qayb ka ahaayeen Agaasime-waaxeedyada iyo Madax-qaybeedyada WMQ ayaa ujeedadiisu daaranayd sooban-dhigista iyo lafo-gurista Qorshe-sanadeedka 2023 ee WMQ iyo sidii fulintiisa xooga loo saari lahaa.

Qorshe sanadeedkani 2023-ka ayaa lagu ladhayaa Qorshaha Horumarinta 5-sanadood oo diyaarintiisa lagu gudo jiro.

 



La Soco Qaybaha Danbe.............