Maareeye Ku-xigeenka WMQ oo Furay Tababar loo Qabtay Ciidanka Ilaalada WMQ

Maareeye Ku-xigeenka WMQ oo Furay Tababar loo Qabtay Ciidanka Ilaalada WMQ
 
Maareeye ku-xigeenka Wakaaladda Madbacadda Qaranka (WMQ), Cabdixakiin Muuse Cali, ayaa furay tababar gaar ah oo loo qabtay ciidanka cusub ee ilaalada WMQ. Tababarkan oo ay soo agaasintay xafiiska la dagaalanka foojariga, ayaa si gaar ah diiradda u saaray fahamka dabeecadda shaqo ee Madbacadda Qaranka iyo doorka muhiimka ah ee ay ciidanku ku leeyihiin sugidda amniga dhukumentiyada qaranka.
 
Ciidanka la tababarayo ayaa la baray kaalinta ay ku leeyihiin ilaalinta dhukumentiyada xasaasiga ah ee ay soo saarto Madbacadda Qaranku, kuwaas oo saldhig u ah howlaha maamulka dawladda.
 
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dib-u-habeyn ballaaran oo ka socda dhammaan waaxyaha kala duwan ee WMQ, si loo adkeeyo habraaca amni iyo tayada adeegyada ay wakaaladdu bixiso.