Soo Bandhigista Qaab-dhismeedka Cusub ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka JSL

Soo Bandhigista Qaab-dhismeedka Cusub ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka JSL
 
Hargeysa – 3-da Agoosto, 2025
 
Wakaaladda Madbacadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabatay kulankii laba todobaadle ee shaqaalaha, kaas oo qodobkiisa ugu muhiimsan uu ahaa soo bandhigista iyo falanqaynta qaab-dhismeedka cusub ee waaxaha wakaaladda.
 
Kulankan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee wakaaladda, waxaa shirguddoominayay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan, isla markaana uu wehelinayay Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda, Mudane Cabdixakiim Muuse Cali.
 
 
Furitaanka Kulanka
 
Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda ayaa kulanka si rasmi ah u furay, isagoo warbixin guud ka bixiyay waxqabadkii labadii todobaad ee lasoo dhaafay. Waxa uu shaqaalaha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo hawlkarnimada ay muujiyeen, sidoo kale wuxuu si qoto dheer uga hadlay qaab-dhismeedka cusub ee wakaaladda oo markii hore ka koobnaa 5 waaxood, halka hadda laga dhigay 8 waaxood — si kor loogu qaado hufnaanta iyo tayada adeegyada wakaaladdu bixiso.
 
 
Warbixinta Khubarada
 
Waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah khubarada si weyn uga qayb qaatay diyaarinta qaab-dhismeedkan cusub, iyagoo si faahfaahsan u sharaxay waax kasta oo kamid ah qaab-dhismeedka cusub. Waxay sidoo kale isbarbardhig ku sameeyeen qaab-dhismeedkii hore iyo kan cusub, iyagoo caddeeyay in qorshahan uu saldhig u noqon doono sidii wakaaladdu u noqon lahayd hay’ad heer caalami ah.
 
 
 
Dood Furan iyo Su’aalo Shaqaalaha
 
Shaqaalaha ayaa fursad u helay inay aragtidooda ka dhiibtaan qaab-dhismeedka cusub, isla markaana ay su’aalo furan weydiiyaan khubarada. Su’aalahaasi waxaa si furan oo qanciya loogu jawaabay, taas oo muujisay isfaham iyo wada-shaqayn u dhexeysa maamulka iyo shaqaalaha wakaaladda.
 
 
Gunaanadka Kulanka
 
Ugu dambayn, kulanka waxaa soo xidhay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda, Mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan, oo adkeeyay muhiimadda uu leeyahay qaab-dhismeedkan cusub, gaar ahaan kor u qaadista hufnaanta iyo habsami u socodka shaqada wakaaladda. Wuxuu mahadnaq ballaadhan u jeediyay shaqaalaha, isagoo ku dhiirrigeliyay inay laban-laabaan dadaalkooda.
 
 
Isbeddelka Jadwalka Kulamada
 
Intaas kadib, Maareeyaha Guud ayaa shaqaalaha ku wargeliyay in laga bilaabo maanta:
 
Kulanka guud ee shaqaalaha la qaban doono bishiiba hal mar, gaar ahaan Isniinta ugu horreysa ee bil kasta.
 
Kulanka Agaasimayaasha Waaxaha la qaban doono toddobaadkiiba hal mar, maalinta Sabtida.
 
 
Allaa Mahad Leh
Wakaaladda Madbacadda Qaranka JSL
Hargeysa, Somaliland