Wakaaladda Madbacadda Qaranka JSL, Oo Noqotay Xaruntii Dawladeed Ee U Horeysay Dhanka Mushaharbixinta

  

Wakaaladda Madbacadda Qaranka JSL, Oo Noqotay Xaruntii Dawladeed Ee U Horeysay Dhanka Mushaharbixinta
Shaqaalaha Wakaalada Madbacada Qaranka JSL ayaa si rasmi ah maanta u qaatay Mushaharkii shaqaalaha ee Bishani "26/7/2025".

Maareeye Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan Abees iyo maareeye ku xigeenka Cabdixakiin Muuse Cali,  ayaa balanqaaday mushaharaadku inay ku baxaan 26 ilaa 28 ka bisha.

Sida oo kale waxa mushahar kordhin loo sameeyay shaqaale hoosaadka WMQ iyo qaybo ka mid ah shaqaalaha kale.

Madbacada qaranka ayaa noqotay xaruntii dawladeed ee ugu horaysay mushahar bixinta bishan.

Tobankii sanadood ee ugu danbeeyay waa markii ugu horaysay ee shaqaalaha WMQ uu mushaharka ka horqaato dhamaan hay'adaha dawlada, tani ayaa kamida Qorshe Siyasadeed ee ay maamulka cusubi ku hagayaan WMQ.